Wednesday 22 November 2006

Hadafka Shakhsiga Muslinkaa

Goolka Shakhsiga Muslinkaa

Marka aad akhrido waraaqihii iyo khudbadihii Sh.Xasan Al Banna waxaa kuu soo baxi in uu jiro yool (hadaf) WAYN oo ay Ikhwaanku rabaan in ay fuliyaan kaas oo ah in ay diinta Islaamku noqoto hab nololeed ay ku dhaqmaan mujtamacaadka Muslimiintu.Sh.Xasan Al Banna isaga oo Xubnaha Ikhwaanka u sheegaya ahdaafta waaweeyn ee dacwadooda ayaa waxa uu yidhi “Ogaada in aad leediihiin laba hadaf oo waaweeyn kuwaas oo ah :1)In dhulka Musliliimta laga xoreeyo awood kasta oo ajnabi , ha ahaato dhinac siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid milatariba.2)In dhulkaa xorta ah laga dhiso dawlad ku dhaqanta diinta Islaamka.Si hadaba ay yoolalkaas u xaqiijiyaan ayaa waxa ay Ikhwaanku aaminsan yihiin in ay fuliyaan ahdaaf kale oo horudhac u ah kuwan waaweyn, kuwaas oo la’aantood ay dhici karto in ay adkaato in la xaqiijiyo ahdaaftaas waaweeyn.Ahdaaftaasi sida ay u kala horeeyaan waxa weeye sidan soo socota :
Qof Muslim Ah
Hadafka ugu horeeyaa waa in la helo qof ay caqiidadiisa, fikirkiisa, dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisuba waafaqsan yihiin shareecada Islaamka. Isaga oo Sh.Xasan AL Banna ka hadlaya sifooyinka qofka Muslimka ah ee loo baahan yahay waxa uu yidhi waa qof “caqiidadiisu toosantahay, cibaadadiisu saxan tahay, akhlaaqdiisu suubantahay, wax garad ah, xoogsanaya, naftiiisa xumaanta kala dagaalama, waqtigiisa ka faa'idaysta, arimihiisu urursan yihiin, qayrkiisna wax tara”.
Qoys Muslim Ah
Marka la helo qof Muslim ah oo sifooyinkaas aan kor ku sheegnay ku sifooba, yoolka xigaa waa in la unko qoys Muslim ah. Qoyskani waa in uu noqdaa qoys dhaqankiisa iyo fikirkiisuba ay ka duulayaan diinta Alle. Waa in xubnaha qoysku ku dhaqmaan adaabta Islaamka. Hooyada qoysakni waa in ay noqotaa hooyo wacyigeedu dheer yahay, Aabuhuna waa in uu noqdaa mid garanaya masuuliyada uu Alle saaray. Aabaha iyo hooyaduna waa in ay noqdaan kuwo iska kaashada tarbiyada ubadkooda.
Mujtamcac Muslim Ah
Aqaladaas toosan oo la isu geeyay waxa ay keenayaan in la helo yoolka sadexaad ee yoolalka Ikhwaanka kaas oo ah in la helo mujtamac Muslim ah. Mujtamcani waa in uu noqdaa mujtamac uu wanaagu ku baaho, xumaantu ku yaraato, wanaaga is fara, xumaanta iska reebo, walaatinimo dhex taalo, dulmiga aan isugu gar gaarin.
Dawlad Muslim AhMujtamacaa Muslimka ahina waxa uu sabab u noqonayaa dhalashada dawlada uu dastuurkeedu yahay diinta Ilahay.Dawaladahaa Muslimiinta ah oo isu taga ayaa waxa ka dhalanaya khilaafadii Muslimiinta.Kuwaas weeye yoolalka ugu waaweeyn ee ikhwaanku sida uu sheegay Sh.Xasan Al Banna. Maqaalka ku xigga waxa aynu ku eegi doonaa siyaasada iyo Ikhwaanka.

(From. dacwada.blogspot.com)
Edited By Abu Zakaria(MMJ)

No comments: